Qofka kale marna ma aha mushkiladaada


Qofka kale marna ma aha mushkiladaada
Marar badan xaaladaheena maalin laha,waxaan is aragnaa anagoo ku eedeyneyno qof kale wax yaabo aynu is leenahey iney qaldanyihiin, sida inaad tiraahdo qofkani wuu iga xanaajiyey,ama qofkani wuu naxaris daranyahey,kani wuu afxunyahey,midkani lalama shaqayn karo,iyo wixi la mid ah.
Fikrado badan oo noocaas ah ayaa maskaxdeena buuxiyo maalin kasta,waxaad dareemeysaa maalin walbo in lagu xumeeyey,lagaa gardaranyahey,lagu qiyaamey,lagu caayey,lagu liiday,laguugu qilaafey fikrad aad u fiican oo aad soo bandhigtay adigoo is leh waa laguugu xumeeyey, iyo kuwa kale oo ka badalan.
Balse dhan kale markaad ka eegto, hadii eey jirto mar walbo aan wax qeymeyneyno in aan anagu isla saxsannahey,hadaba aduunka ma jireyso qof aqbalayo inuu asaga qaldanyahey.
Hadaba marna ma aha dhibkeena qofka kale siduu inoola dhaqmo,ee waa sidaan ula kacno(reaction)sida eey nafteenu ka dareento ficilka uu sameynayo qofka kale…marna ma dheceyso inaan ku qanacno qofka kale dhaqankiisa,waayo qofkaas wuxu sitaa dhaqan ka badalan keena,balse waxaan heli karna qaab aan ula tacaali karno reaction keena ee ku aadan qofka kale dhaqankiisa….
  •     Markaad aragto in lagu soo weeraray,xanaaqday,niyad jabtey ama aad si kale wax u dareentay is daji
  •   Ha qaadin wax tilaabo ah,go’aanada iyo tilaaboyinka la qaado adigoo xanaaqsan waxeey keeni karta qatar aad u xun
  • Qiimee fikradda kaa soo horjeeda,isku day inaad u aragto qofka kale inuu isaguna qaabkisa u saxsanyahey
  • Yaree hankaaga ku aadan qofka kale,marna haka rajeyn qofka kale inuu kugu waafaqo wax walbo aad dooneyso
  • Dhoola cadee markasta: aqbal qofka kale fikirkiisa adigoo hortagan,kuna qanac inu qofka xaq u leeyahey fikradiisa,waxaadna ogaata inusan qofka aqbaleyn taada hadaadan tiisa aqbalin
  • Isticmaal mar walbo dhexdhexaadnimo:isku day mar walbo inaad ku dhaqanto dhexdhaxaadnimo,iskana ilaalisid inaad ku dhacdo qatar xoog badan adigoo ku edeynayo qof kale inuu ka ahaa masuul

Popular Posts