Sideed u badali karta naftaada una gaarsiin kartaa yoolka aad la dooneyso?
Sideed u badali karta naftaada una gaarsiin kartaa yoolka aad la dooneyso?
Ku biloow marka koobaad maxaa dooneysaa inaad noqoto?
Tusaale, waxaa laga yaabaa inaad jeceshahey inaad mustaqbalka noqoto siyaasi, ama fanaan, ama waxaa jeceshahey inaad noqoto saxafi, sideey dooneyso ha ahaato waxaa lagama maarmaan ah inaad is weeydiiso:sidaad ku gaari laheyd halka aad dooneyso.
Ma waxaa dooneysaa inaad warqad ku qorto? Ka dibna isku daydo inaad fuliso qorshahaaga si ku haboon qaabka aad u diyaarsatey.
Hadaba inta badan waxaa la isku waafaqsanyahey qofka bani aadamka ah inuusan inta badan ka guuleysan karin naftiisa marka eey tagto yoolalka waqtigeedu dheeryahey(long term vission).
Sidaas darteed waxeeynu ula jeedkeena ku saleyneynaa isbadlka malin laha ah(daily changes)si eey inoogu fududaato is badal la hubo.
Wax walbo oo aadan horey u sameyn jirin bilaabitaankooda waa dhib badantahey sida caadada ah,sidaas darteed waxeynu u dajin karna sida ugu sahlan oo uu qofka caadada cusub uga natiijo keeni karo.
1. Hal is badal goortiiba(one change at atime)hadii aad dooneyso is badallo tiro badan inaad ku sameyso naftaada, ha wada bilaabin dhamaantood ee u kala hor mari sida eey kuugu kala muhiimsanyihiin.
2. Ku biloow qeyb yar(start small)tusaale waxa aad dooneysaa inaad biloowdo jimicsi(exercise)sida ugu sahlan ee aad ku joogteyn karto waa inaad ku bilowda jimcsiga si fudud.
3. Samee maalin walbo hal waqti oo mucayan ah(Do it at the same time each day) taasna waxeey fududeyneysaa inaad ku qasabtid naftaada ku dadaalka qorsheynta maalinkaaga.
4. Qof aad jeceshahey balan la gal:sida u badan dabeecadda bani aadamka, waxeey inta badan iska xilsaaraan waxeey dadka kale ballanta kula galaan,waxey kuu sahleysaa inaad ku tix galiso qofkaas hab u socodka qorshahaaga maalin laha ah.
5. Noqo mid lala xisaabtamo(be accountable)