Sideed ku horumarin kartaa noloshaada
Barnaamijkeena isbadal waxaan ka bilaaabi doona haduu alle idmo
Sideed ku horumarin kartaa noloshaada
Qof walbo oo bani aadam ahi waxa uu ilaahey siiyey dabeecad uu dadka kale kaga duwanyahey wax yaabo eey naftiisu jeceshahey iyo kuwo eeysan jecleyn.balse guud ahaan qofku waxa uu jecelyahey inuu yeesho caadooyin wanaagsan si uu noloshiisha wax uga badalo.
Waxaad dooneysaa inaad wax ka badasho waqtigaaga sidaad u maareyn leheed,shaqadaada u ahaan leheed mid ku wanaagsan oo ad u firfircoon,u noqon lehed qof jirkiisa si wanaagsan u dhisa,ama u maareyn laheed qaab nololeedkaaga.
Marka koobaad isku day hal dabeecad inaad caadeysato waxeyna ku suurta gali kartaa inaad joogteeyso ugu yaraan muddo bil ah hadeey kuu suurto gasho waxaad ku guuleysaneysaa ineey dabeecadaasi isu badasho caado.
Qor dabeecadaha aad dooneyso inaad caadeysato u kala qor sida eey kuugu kala muhiimsanyihiin, aqri warqada ugu sedex jeer si aad uga fakarto sidaad u kala hormarin leheed, ugu danbeyn kala dhex bax mida aad dooneyso inaad ku hormarto.
Qor faa’iidooyinka eey u leedahay naftaada dabeecadan cusub ka dibna ka fakar maxaa culeys ah oo aad kala kulmi karta intaa aad la qabsaneeyso dabeecadan cusub.
Hadaba sii uu qorshahaaga kuugu suurta galo u bandhig qof kale<walaalkaaga ama walaasha,saaxiibkaaga ama saxibadada,lamaanahaaga> haduu jiro ama waalidkaaga waxa aad dooneyso inaad ku soo kordhiso noloshaada,
- Maalin walbo la socodsii waxa kuu suurto galey iskuna day inaad naftaada ma walbo dhiiro galiso.
- Naftaada ku abaal mari mar walbo horumarka yar ee aad sameeyso.
- Hadeey waxa kaa qaldamaan ha niyad jabin isku day inaad saxdo wixii aad qaladey, kuna sii soco qorshahaaga siduu kuugu dagsanaa.
Hadaba hadaad fahantay sida loo abuuro dabeecad cusub waxa aad u baahantahey waa sidii hab dhaqankani cusub loo joogteyn lahaa.
1) Rajo wanaagsan ku biiri qorshahaaga una fakar inuu yahey miro dhal adigoo kasoo qaadayo inaad qaadey tilaabo aad muhiim ugu ah noloshaada aadna rajeyneyso guul
2) Hal dabeecad kaliya abuur markiiba si eey u fududaato joogteenteeda,
3) Ka saar qorshahaaga wax walbo oo micno dara-ah ka dibna dib u qor waxa kuugu muhiimsan noloshaada taasi waxeey fududeyneysaa inaad ka saarto noloshaada waxyaaba aan micnaha badana ugu fadhin qaab nololeedkaaga.
4) Daily routine: joogteen maalin walbo qaab aad ku maareyso qaab nololeedka waxeey ka ciyaari kartaa kaalin aad muhiim ugu ah noloshaada.ka biloow inaad qorsheyso subaxdii waqtigaad ka kacdo jiifka,waqtigaad shaqadaada aado,goortaad shaqadaada malinkaas kasoo baxdo,iyo markaad dib ugu soo laabato hooygaaga.
5) U yeel mid walbo waqti u gaar ah oo aad maalin walbo ku socoto,hana badbadalin waqtiyada aad qoondeysatey.
Comments