17- qaab oo looga guuleysan karo waxaa loo yaqaan (stress) ama walwal

ISBADAL

17- qaab oo looga guuleysan karo waxaa loo yaqaan (stress) ama walwal

Nolosha caadiga ah ee qofka bani-adamka uu ku noolyahey weey adagtahey ama ma jirto ayaa la oran kara in uu marna dareemin (stress) ama walwal,walwalkani wuxuu in badan jawaab u yahey caqabado qofka ku yimaado waana midka sababo dhibaatooyin fara badan oo caafimaad,balse in badan oo naga mid ah ma dareemaan dilaagaan qarsoon waxeeyna mar walbo raacraacan hadba dhanka uu u weecdo.
Hadaba waxaa is weydiin mudan sida lagu xakameyn karo dilaagan qarsoon(silent killer ) waa tan 17 qaab oo aad uga guuleysan kartid.
1-Aqoonso sababta keentey walwalkani, tani waa tilaabada koobad aad ayeyna muhiim ugu tahey qofka, aqoonsiga mushkilada waxeey sahli karta inuu qofku isku dayo inuu raadiyo mushkiladani wixii xal u noqan lahaa.
2-Ka fogow balan qaad adan fulin karin,nolosha inta badan weey dhacdaa qofka inuu u balan qaado waxyaabo uu la jecelyahey dad u gaar ah noloshisa sida waalidkiisa,xaaskiisa,caruurtiisa ama asxaabtiisa asagoo markaasi jecel inuu balanqaadkani fuliyo balse mar walbo nolosha isbadalo fara badan ayey sameysa waxaana qofkani qabsata ineey u suurta gali weeyso balan-qaadkii waxeeyna ku noqotaa walwal asagoo ka fakarayo siduu ku xalin lahaa arinkani.
3-Dib ha u dhigan howshad manta qabsan kartid,inaad dib u dhigto howl aad waqtigaad joogta qaban karto waxeey keentaa (stress) iyo fakar tiro badan mar walbana waxaad ka walwaleysaa qabashada howshaad dib u dhigatey,isku day inaad qabatid howlahaaga markad firaaqada leedahey hana ku fakarin ineeysan waqtigan aheyn waqtigad qaban lehed(this is not the right time)ha iskula hadlin weedhaha noocaas ahi,ha is dhihin marna hada ma awoodid ee waqti kale ka dhigo.
4-Maamul xumo,nolosha qofka waxeey u baahantahey nidaam iyo maamul uu ku mareysto xaajooyinkiisa sidaas darted ku dadaal inad nidaamsato howlahaga si eeysan kala daadsanantada kuugu keenin walwal iyo fakar.isku day mar waliba inaad howlahaga u nidaamsato sidaad adigu ku faraxsantahey.
5-Dib u dhac, dib u dhaca ama daahida waa arimaha ugu badan ee noo keeno walwalka iyo fakarka,waxaad isku dayeysa inaad dhaqsato oo aad ka gaarto meeshaad dooneysey,taasina waxey ku keeneysaa tash iyo fakar iyo inaad naftaada nacdo ama aad ka shaleeyso daahidada kana fakarto cawaaqibtaad kala kulmi lehed meshaad ka habsaantey…caadeyso inaad waqtigaaga ilaalisid hana ka habsaamin meeshaad aadeysid,  waxaa dareemeysaa farxad iyo reyreen markad waqtiga ilaaliso.
6-Haku mashquulin cidan naftada aheyn,xasuusnoow inaad adigu aheyn midka aduunakan maamula,naf waliba waxeey leedahey dhaqan iyo caado u gaar ah,kula dhaqan qofka kale siduu yahey,hadaad dareento inuusan kaala mid aheyn meelo badan ogolow inuusan adiga aheyn uu yahey ruux kale eeyna u gaar tahey hab dhaqankiisa.
7-Iska ilaali qorshaha badan,qorshaha badan mararka qaar faa’iidooyin ayuu u leeyahay qofka bani-adamka hadana wuxuu ku reeba qofku mararka qaarkood fakar iyo walwal badan xasilintiisa,sidaas darteed qorshaha tirada badan waxa uu keena mashquul badan oo qofka ku yimaado intuu ku guda jiro,ka feejignow qorshaha tirada badan.
8-Ka taxadar dhumiyaha tabartada,mararka qaarkood waxaan awood badan ku bixina waxaan faa’iido ulehen nafteena in badanna an ku dhuminaa energy badan,markaan ogaano ayeey nagu noqotaa shaleey iyo calool xumo,,ka fogow inteysan ku qabsan.
9-Ka ilaali naftaada dadka dhibka badan,ku dadaal mar walbo inaad ka fogaatid dadka mar walbo mushkilada badan waxeey kuu keeni karaan dhib aadan adigu kasban buuqna kama baxeeysid,isku day mar waliba inaad la saaxiibto dadka dhaqanka wanaagsan,naxariista badan,dabeecada qabow,dagdaga yar.
10-Raqiisi hawadaada,hamiga sare mararka qaarkood wax tar ayuu yahey balse waa markii aad in ka mid ah xaqiijin kartid,in badan waxaan nafteena ku abuurna hawooyin iyo riyooyin eey adagtahey ineey rumoowdo waxeyna isku badashaa waalli,isku day inaad yareeyso hawadaada si aad uga fogaato niyad jab.
11-Ha dagdagin,mar walbo ka fiirso tilaabo walbo oo aad qaadeyso iskuna day inaadan ku dagdagin fulinteeda.
12-Caawi kuwa dhibaateysan,caawinta kuwa dhibaateysan waxeey kordhisaa naxariista ka dhaxeysa umadda,markad qof cawisana waxa si toos ah u dareemeysa inuu jiro qof ka daran waxaadna ku farxeeysaa sidaad adigu tahey.
13-Naso shaqada dhaxdeeda,sameyso (break time) ama birirf yar waqtigaad shaqeyneyso,nasashadan yar waxaad dareemeysaa raaxo aad u yar waxaana ka dagayo culeyska shaqada.
14-Fududee culeyska howlaha ku sagayo,ku dadaal mar walbo inaadan reebin howlo faro badan oo aad u dib dhigato inaad qaban doonto,mar walbo howlahaaga dhamee markad ku guda jirto(howl ku sugeysa harkeeda lama harsado)
15-Cun cunto caafimaad leh,
16-Ku dadaal inaad u mahadnaqdo dadka aad la dhaqmeyso,mar walbo aad u mahad naqdo qof kale waxaad naftaada dareensiineysa macaanka eey leedahey mahadnaqa.
17-Haka tagin salaada,salaada waa sheyga u muhiimsan ee streska yareeyo qofka salaada joogteyo mar walbo uu tukado salaad waxaa ka dago culeys uu dareemi lahaa haduusan tukan,mida kale salaadu waxeey u roontahey qalbiga

Comments

Popular Posts